Labo dumar ah oo lagu dilay Muqdisho

0
942

TargetingAssasinationRag hubeysan ayaa maanta oo Isniin ah si gooni gooni ah ku dilay magaalada Muqdisho labo qof oo dumar ah.

Dhacdada koowaad ayaa saddex nin oo ku hubeysnaa bastoolada waxay haweeney ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah.

Haweeneyda ayaa la sheegay inay lahayd goobo lagu iibiyo shaaha, lamana garanayo sababta loo dilay. Dableydii falka dilka ah geysatay ayaa baxsatay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa sameeyay baaritaan, hase yeeshee ma jirto cid ay falka u soo qabteen.

Dhinaca kale, koox dabley ah ayaa degmada Xamarjadiid ku dishay haweeney ka tirsaneyd waaxda tallaalka carruurta ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Shariifo Yuusuf Maxamed.

Shariifo waxay ahayd hooyo leh afar carruur ah, lamana garanayo sababta ka dambeysa dilkeeda. Dableydii dilka geysatay ayaa baxsatay.

Bar-Kulan