Maamulka gobolka Banaadir oo baaq kama dambeys ah u diray ganacsatada bacadlaha Xamarweyne

0
1037

bacaadlahaXamarWeyneMaamulka gobolkan Banaadir iyo kan degmada Xamarwayne ayaa wali dadaal ugu jira sidii loogu ganacsi celin lahaa ganacsatada ku haysta ganacsiga hareeraha waddooyinka.

Maamulka shirkadda suuqa bacadlaha ayaa iyaguna sheegay inay go’aan ka gaari doonaan ganacsatada wali ka dhega adeegaya digniinaha isdaba jooga ah ee loo dirayo.

Masuul ka tirsan shirkadaas maamusha suuqa bacadlaha oo shir jaraa’id u qabtay saxaafadda ayaa sheegay inay ka soo saareen dhowr qodob oo diraya fariin kama dambays ah sida uu yiri masuulkas.

U hadlahaas shirkadda MMC ayaa sidoo kale sheegay in muddo ku siman 15 cisho kadib laga furo wareejin doono ganacsatada u xarumo xiran suuqa.

Ka sokow digniinahaas isdaba jooga ah ee loo dirayo ganacsatada hareeraha wadooyinka ku ganacsada ayaa waxaa jira sababo qudhoodu ku qaadaya inay uga soo dibad baxaan xaruntaas loogu baaqayo, taas oo ah in ku ganacsiga gudaha uu ka wax hel badan yahay kan banaanka taasna ay tahay sababaha ku qaadaya.

Warkii