Maamulka Gobolka Banaadir oo ku tilmaamay madaafiicdi xalay inay ahaayeen kuwo dheemish ah

0
1022

MuqdishoMaamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay madaafiicdii xalay ka dhacayay magaalada Muqdisho, kaasoo qal qal badan ku abuuray shacabka ku nool degmooyinka, iyadoo ilaa iyo hada aan la soo sheegin wax qasaare ah oo ay geysatay.

Gudoomiye kuxigeenka dhanka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa sheegay in madaafiicdii xalay ay ahaayeen kuwo dheemish ah, isla markaana la doonayay in lagu qal qal geliyo ammaanka magaalada.

“Madaafiicdii xalay soo dhacayay waxay ahaayeen kuwo dheemish ah, oo aan wax qasaare haba yaraatee geysan, waxaa jirtay miino lagu xiray guri ay degenaayeen caruur uu dhalay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo bur buray gidaarkii guriga”ayuu yiri Warsame Joodax.

Warsame Joodax ayaa ku eedeeyay inay jiraan kooxo doonaya inay qal qal geliyaan ammaanka magaalada, kuwaasoo uu tilmaamay inay gacan bir ah ku soo qaban doonaan, isla markaana sharciga horkeeni doonaan.

Dadka reer Muqdisho ayaa ku jahwareersan madaafiicda habeenkii lagu soo duqeeyo magaalada iyo hadalada Mas’uuliyiinta dowladda ee ah in madaafiicda ay yihiin kuwo dheemish oo la doonayo in lagu qal qal geliyo amniga magaalada.

Magaalada oo dhan ayaa xalay laga maqlayay jug xoogan oo dadweynaha ku beeray cabsi iyo walaac, iyadoo goobaha madaafiicda ku soo dhaceen ay ahaayeen degmooyinka, Xamar Jajab, Xamar weyne, Warta Nabada iyo kuwo kale oo aan wali la soo sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay.

Jowhar