Maamulka Kismaayo ayaa taliye KMG ah u magacaabay hoggaanka nabadsugidda kadib markii magaaladaasi lagu dilay taliyihii hore ee ciidamada nabadsugidda maamulkaasi.
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa iney deggantahay islamarkaana uu dib u bilowday isu socodkii gaadiidka kadib markii la qaaday Bandowgii saarnaa magaalada wixii ka dambeeyay markii kooxo dhagar qabayaal ah ay dileen taliyihii nabadsugidda maamulkaasi.
Maamulka Kismaayo ayaa si KMG ah ugu magacaabay taliyaha hey’adda nabadsugidda sarkaal lagu magacaabo Axmed Ibraahim kaas oo ka mid ahaa saraakiisha maamulkaasi.
Dhinaca kale saraakiisha ammaanka ee maamulkaasi ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan tiro dad ah oo lagu soo qabqabtay howlgallo ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadaha magaaladaasi, iyagoo tilmaamay in qofkii dambi lagu waayo la sii deyndoono ciddii lagu helana sharciga la marsiindoono.
Radio Muqdisho