Maamulka Somaliland oo lagu eedeeyay carqaladeynta howsha Golaha Wakiillada

0
1002

SomalilandMapGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa madaxda sare ee maamulka ku eedeeyey inay carqaladeynayaan howlaha golaha.

Eedeynta ayaa timid kaddib markii ciidan ka tirsan maamulka Somaliland uu maanta gudaha u galay xarunta Golaha Wakiillada, taas oo guddoomiyuhu ku tilmaamay xad-gudub ay ka dambeeyaan madaxda sare ee maamulku.

Arrinta maanta ayaa cirka ku sii shareertay khilaaf u dhexeeyey guddoomiye Cirro iyo ku-xigeennadiisa oo ay isku aragti yihiin madaxda maamulka, kaas dhashay markii guddoomiyaha uu magacaabay guddi hoosaadka golaha, isla markaana dhimay awoodda ku-xigeennadiisa.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dhowaan la hadlay saxaafadda ayaa beeniyey in madaxda sare ee maamulku ay faragalineyso howlaha golaha wakiillada.

Khilaafka u dhexeeya guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland iyo ku-xigeennadiisa oo ay isku aragti yihiin madaxda sare ee maamulka ayaa salka ku haya hardanka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka.

Bar-kulan