Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Dalka Turkiga

0
965

XasanSheekh
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa saaka isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo waxa ay u safreen Dalka Turkiga Sida Shabelle ay u xaqiijiyeen ilo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in kulamo ay la qaataan Masuuliyiinta dowladda Turkiga.

Labada dhinac ee dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wada hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa Xiriirka iminka ka dhexeeya.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladaha ugu horeeya ee taageerada tooska ah u fidiya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shabelle