Midowga Yurub oo amaanay doorka Uganda ay ka ciyaarayso Nabadeynta Soomaaliya

0
902

EUHeadQuartersMidowga Yurub ayaa si wayn u amaanay doorka ay dowlada Uganda ka ciyaarayso nabad ku soo dabaalida wadamada Soomaaliya iyo Sudaanta Koomfureed.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan qaarada Africa Nicholas Westcott ayaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha dalka Ugnada Yuweri Musafani waxa uu sheegay in ay midowga Yurub ay la dhacsanyihiin dadaalada muhiimka ah ay dowlada Uganda ka ciyaarayso nabadgalyada wadamada Soomaaliya iyo Koonfurta Sudaan.

Nichlos ayaa tusaale u soo qaatay Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee dowlada Uganda ay u dirtay dalka Soomaaliya tageeradana siinaya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo cidamadeeda dagaalka kula jira Xarakada Shabaab .

Westcott, ayaa ugu danbayn ka dalbaday Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani in uu si wado dadaalada uu ugu jiro Nabadaynta dalka Soomaaliya iyo SAudaanta Koonfureed oo dagaalo ay ka socdaan.

Dowlada Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horeyay ee Ciidamada Nabad ilaalineed u soo diro dalka Soomaaliya gaar ahaan Howgalka AMISOM loogu magacdaray.