Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in Maalinimadii shalay ay si Rasmi ah daaha uga rogeen Tababaridda Ciidamada dowladda Soomaaliya ee iyagu ku sugana Magaalada Muqdisho.
“ Arrintani waa taallaabo Horay loo qaaday oo ku aadan tababarradda aynu siineyno Ciidamada dowladda Soomaaliya “” sidaasi waxaa tiri Kathrin Ashton Haweeneyda siyaasadda dibadda u qaabilsan Ururka Midowga Yurub.
Midowga Yurub ayaa ka soo weeciyay Tababaaradii uu Ciidamada dowladda Soomaaliya ku siinayay dalka Uganda Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay 2013 islamarkaana laga dhigay kuwa lagu siinayo Ciidamada dowladda Magaalada Muqdisho.
Tababaraddaan waxaa bixinaya 16 tababare oo 8 ka mid ah ay ka soo jeedaan dalka Talyaaniga.
Shabelle