Munaasabad lagu caleemasaaraayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya Mudane Malaaq Xassan Shure oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya ayaa waxaa ay kadhacday Xaruunta ADC ee Magaalada Baydhabo.
Munaasabad Balaaaran oo aan loo kala harin lagu caleemasaaraayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ee soomaaliya Mudane Malaaq Xassan Shure oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya oo uu hogaaminaayey Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka federaalka Mudane Sh Aadan Madoobe ayaa waxaa ay ka dhacday Xaruunta ADC ee Magaalada Baydhabo.
Xafladan caleemasaarka ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro kaladuwan, heeso, gabayo iyo Rubaayado ayaa halkaasi waxaa kahadlay masuuliyiin kaladuwan sida masuuliyiinta iyo hawl wadeenadii shirka dhismaha dowlad goboleedka, masuuliyiinta deegaanka iyo qaarkamid ah uyurada kaladuwan ee bulshada.
Dhinaca Xildhibaanada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ka hadlay Xildhibaan Sh. Aadan Madoobe oo uu ku dheeraaday dhibaatooyinkii loo soo maray dhismaha Dowlad goboleedkan manta uu maraayo qaybihiisa ugu danbeeya lanadhihi karo waalagu guuleystay maxaayeelay ayuu yiri golihiisa.
Senedka ayaa si buuxda loo dhameystirey goor dhowna madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa ayaa la dooran doonaa waatan hadaba u fadhidaan ayuu sii raaciyey Mudane Sh. Aadan Madoobe.
Xildhbaan Sh. Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in sii joogi doono saacadaha soo socdana baydhabo soo gaari doonaan wefdi balaaran oo katirsan xukuumada federaalka oo maantadan ahayd in aan isa soo raacno ayuu yiri arima jira awgeed u soo baaqdeen.
Abshir Nor