Nin Britain ah oo lagu eedeeyey Shabaab oo maxkamad lagu soo taagay Mombasa

0
902

BritishManLinkedToShabaabNinkan oo u dhashay dalka Ingiriiska laguna magacaabo Jermaine Grant oo loo haysto in uu Xiriir la leeyahay Xarakada Shabaab ayaa maxkamad ku taala dalka Kenya ka soo hor muuqday .

Grant ayaa lagu eedeeyay in uu la shaqeeyo xarakada Shabaab gaar ahaan Haweenayda aadka loo doon doonayo ee Carmalada Cad Samantha Lewthwaite ee iyana u dhalatay dalka Britain waxaa ay qareenada Maxkamada ay sheegeen in ninkan uu qorsahaynayay weeraro uu ka gaysto dalka Kenya gudahiisa.

Ninkan Biritishka ah ayaa la xiray sanadii 2011 isagoo ku sugan Magalada Mombassa ee dalka Kenya waxa uuna maxkamad horteeda ku beeniyay in uu wax cilaaqaad ah la leeyahay Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Qareenada dowlada Kenya ayaa sheegay in Mr. Grant uu qaatay diinta Islaamka uuna ku biiray Kooxaha Xagjiriinta ah gaar ahaan Dhaq dhaqaaqa Shabaab.

Shabelle