Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay dedejiso magacaabista xubnaha uga mid noqonaya guddi saddex geesood ah oo loo xil-saaray fududeynta dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.
Ole Lenku ayaa sheegay in dowladdiisa iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ay keeneen xubnaha uga mid noqonaya guddiga, isagoo intaas raaciyay in dowladda Soomaaliya ay tahay cidda kaliya ee loo xayiran yahay si loo billaabo hannaanka dib u celinta qaxootiga.
Wuxuu sheegay in qoysas ka mid ah qaxootiga Soomaalida Kenya ay si iskood ah ugu laabteen dalka, kaddib heshiiskii saddex geesoodka ee ay gaareen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga ee UNHCR.
Wasiirka ayaa xusay in oofinta waajibaadka heshiiskii saddex geesoodka uu fursad u siinayo Kenya sugidda amniga iyo horumarinta deegaanka.
Sanadkii hore ayay Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ku heshiiyeen in Soomaaliya dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya.
Bar-kulan