Faah faahin qaraxii agagaarka KM-0 oo la sheegay in ilaa sideed ruux ay ku dhinteen

0
1145

Nabadsugida

Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku geeriyootay qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay nawaaxiga KM-0, gaar ahaan goob maqaaxi ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, iyadoo gaari kale oo looga shakisan yahay in waxyaabaha qarxa ay ku jiraan uu yaalo meel ku dhow maqaaxida, kaasoo sida la sheegay ka afka hore ka bur bursan, waxaana uu u muuqday mid wadada marayay markii qaraxa dhacay.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa u dhow Baar Fiat oo ay dacalkiisa bar koontarool ku leeyihiin ciidamada Nabadsugida oo ka waar-diyeeya goobtaas Xarunta Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee Gurigii Habar Khadiijo ee degmada C/casiis.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa goobta xiray oo u diiday dadka inay maraan, waxaana halkaas ku sugan Gudoomiyeyaasha degmooyinka C/casiis iyo Shingaani.

Gawaarida Ambalaasta ayaa goobta ka daad-gureeyay dhaawacyo aan ilaa iyo hada la helin tiradooda, hase ahaatee qasaaraha qaraxa ka dhashay ayaa ah mid aad u badan.

Maqaaxida bartilmaameedka ahaa ee ku taal dhinaca midig ama goolada aargada KM-0 ayaa waxaa la sheegaa inay fariistaan dad kala duwan oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan nabadsugida, maadaama ay meel ku dhow bar kootarool oo laga ilaaliyo xarunta Hey’adda Nabadsugida qaranka ku leeyihiin.

Ilaa iyo hada cid sheegatay ma jirto qaraxan, waxaana uu ku soo aadayaa, iyadoo maalmihii u dambeeyay qaraxyo iyo weeraro ay sheegatay Al-Shabaab ka dhacayay magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday xarunta Madaxtooyada.

Jowhar