Wararka naga soo gaarayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in qarax khasaaro geystay Ciidamada loo yaqaan Alpha Group lagula eegtay Magaaladaasi.
Guddoomiyaha Degmada Marka Max’ed Cismaan Cali Yariisow oo qadka Taleefoonka Shabelle kula xiriirtay ayaa xaqiijiyay in qaraxa lala eegtay Ciidamadaani ka tirsan Alpha Group-ka hase ahaatee waxa uu sheegay in baaris ay socoto oo howl gallo ay wadaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Rasaas ayaa la maqlay markii qaraxu uu dhacay walow aan la ogeyn cid wax ku noqotay Rasaastaasi.
Qaraxaan ayaa qeyb ka ah weeraro kala duwan oo Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaas Saraakiisha Maamulku ay ku eedeeyaan in ay ka dambeeyaan dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.
Shabelle