Qarax xoogan oo ka dhacay banaanka hore ee Hotelka Orientel ee magaalada Muqdisho

0
888

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay banaanka hore ee Hotelka Orientel Ex Hotel Banaadir ee degmada Shibis, iyadoo qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay qeybta baabuurta la dhigto ee banaanka hotelka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ilaa iyo hada ku dhaawacmeen ilaa afar ruux, oo ay ku jireen labo nin oo Goomistayaal ah.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo uu yahay qaraxii labaad oo saacado gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilliga qaraxa dhacayay Hotelka Orientel uu ku jiray Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saacid iyo saraakiil kale oo shir uga socday.

Sidoo kale gudaha Hotelka ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa oo shir uga socday laamaha ammaanka dowladda, iyadoo qaraxa uu dhacay xilli shirku dhamaaday, balse mas’uuliyiinta ay gudaha Hotelka ku sugnaayeen.

Ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa xiray wadada hor marta Hotelka ee Laamiga Beexaani, iyadoo la sheegayo in ciidamada ay qabteen labo nin oo laga shakiyay.

Gawaarida ambalaaska ee gurmadka dega dega oo goobta soo gaaray ayaa qaaday dhaawacyo, iyadoo gawaarida dab damiska ay daminayeen dabka ka dhashay qaraxa ee qabsaday gaadiid dhowr ah oo meesha yaalay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda oo ku aadan labada qarax ee ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, kaasoo mid ka mid ah uu dhaawac halis ah ka soo gaaray Gudoomiye kuxigeenkii dhinaca amniga Gobolka Shabeelaha Hoose.

Jowhar

Qarax20140210_2 Qarax20140210_1