Ku dhowaad hal milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar deg-deg ah, sida uu warbaahinta u sheegay agaasimaha howlaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsanSoomaaliya.
John Ging oo Talaadadii shalay ka soo laabtay booqasho qaadatay saddex cisho oo uu ku tagay Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale 2 milyan oo qof laga cabsi qabo inay wajahaan cunto yari.
John ayaa sheegay in hay’adda cuntada adduunka ee WFP ay ka digtay in hal milyan oo Soomaali ah ay geli doonaan marxalad adag, haddii aan lala gaarin gargaar bini’aadannimo oo deg-deg ah.
Qaramada Midoobay ayaa codsatay lacag dhan $933 milyan oo wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya, balse Ging ayaa sheegay inay soo gaartay lacag dhan 36 milyan oo doollar oo uu ku tilmaamay inay tahay ‘lacag aad u yar’.
Bar-kulan