QM, Midowga Africa iyo Mareykanka oo Cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Villa Soomaaliya

0
859

QaraxiiMadaxtooyada20140221Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka ay si kulul u cambaareynayaan Weerarkii Shalay lagu qaaday xarunta Madaxtooyda Soomaaliya.

Bayaankaan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa tacsi loogu diray dhaamaan dadkii eheladoodii ku waayay weerarka iyadoo kuwa kale ee weerarka ku dhaawacmayna u rajeeyay kabsasho dhaqso leh.

Waxa ay dhamaan Xubnaha golaha amaanka amaneen sida ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uga jawaab celiyeen Weerarka ay Xarakada ku soo qaaday Xarunta Villa Soomaaliya.

Dhanka kale Midowga Africa ayaa si lamid ah u cambaareeyay Weerarkii Villa Soomaaliya lagu qaaday.

War ka soo baxay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Maxamad Salax Annadif ayaa lagu yiri “ Midowga Africa waxa ay si kulul u cambaaraynayaan Weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday Aqalka Soomaaliya looga arrimiyo” .

“Waa arin aad u fool xun in qof Muslim ah uu doorto in Weerar caynkaas oo kala ah oo maalinta Barakaysan ee Jimcada uu dad ku laayo” ayaa lagu yiri Warka Midowga Africa ka soo baxay waxaana lagu amaanay Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM sida geesinimada leh ee ay uga jawaabeen,

Ugu dambayna Mareykanka ayaaa cambaareeyay Weerarka shalay lagu qaaday Villa somaaliya

Ku xigeenka Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibadda Mareykanka Mariya Harf ayaa sheegtay in dowlada Maraykanku ay si kulul u canbaaraynayso weerarka Villa soomaaliya lagu qaaday.

Warka Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka ka soo baxay mariya ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanka ay garab taagantahay dowlada Soomaaliya, ayna sii wadi doonta taageerada ay siineyso,

Maraykanka ayaa ugu dambayn u rajeeyay kuwa dhaawacmay soo kabsasho dhaqso leh halka kuwa dhintayna uu uga tacsiyeeyay eheladii ay ka baxeen.

Shabelle