R/wasaaraha iyo wafdigiisa oo soo gebagebeeyay booqashadi Jabuuti kuna sii wajahan Nairobi

0
913

AbdiweliInDjibouti20140217_7R/wasaaraha xukuumadad Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay booqasho uu ku joogay dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyadoo lagu wado inuu goor dhow u ambabaxo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa oo booqasho Laba maalmood ah ku joogay dalka Jabuuti ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen mas’uuliyiinta dalkaasi, iyadoo gelinkii dambe ee shalayna kulan sagootin ah loogu sameeyay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalkaasi.

Booqashada R/wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay ku joogeen dalka Jabuuti oo maanta ku eg ayaa la filayaa iney u ambabaxaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, taas oo ah lugtii Sadexaad booqasho ay ku kala bixinayaan wadamada deriska.

 

Radio Muqdisho