Sahan: 10ka Jaamacadood ee Soomaaliya ugu caansan dhanka Facebook

0
979

FacebookIyadoo Shabakadda Xiriirka Bulshada ee Facebook ay bishan Febraayo u dabbaal-dagtay sanad-guuradeedii 10aad, ayaa Hay’adda Iftin Foundation waxay daraasad ku sameysay sida ay jaamacadaha Soomaaliyeed uga faa’ideystaan shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook si ay ula xiriiraan ardeyda, maamulka, waalidiinta iyo dadweynaha guud ahaanba.

Daraasadda aan sameynay waxaan ku ogaanay in 40% jaamacadaha Soomaaliya ay leeyihiin bogag Facebook oo gaar u ah, inkastoo ay ku kala badan yihiin tirada taageerayaasha iyo macluumaadka ay ku baahiyaan. Jaamacadda Indian Ocean ayaa noqotay jaamacadda ugu taageerayaasha badan dhanka Facebook, iyagoo leh 7,234 taageere, waxaana kaalinta 2aad ku jirta Jaamacadda Edna Adan University oo leh 6,734 taageere, halka Jaamacadda Hargeysa oo ku jirta kaalinta 3aad ay leedahay 5,759 taageere.

Daraasaddan oo la sameeyay 25kii Febraayo 2014, waxaa xiriirrada bogagga Facebook ee jaamacadaha lagu saleeyay kuwa rasmi ah ee ku xusan baraha internet-ka ee jaamacadahaas. “Ujeedda sahankan waa sidii loo ogaan lahaa sida ay jaamacadaha Soomaaliya uga faa’ideystaan farsamada casriga ah. Hadda waxaan ku billownay shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook, waxaanse sidoo kale qiimeyn ku sameyn doonnaa baraha internet-ka ee jaamacadaha inagoo ka eegi doonna wararka iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin” ayuu yiri C/weli Cali Maxamuud oo ah madaxa barnaamijyada ee Iftin Foundation.

Hay’adda IF oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho waxaa loo aasaasay inay hay’adaha waxbarashada ka caawiso sidii ay u baahin lahaayeen fursadaha waxbarasho ee ay bixiyaan. Waxqabadka hay’adda waxaa ugu waaweyn inay hawada soo gelisay idaacaddii ugu horreysay Soomaaliya ee arrimaha waxbarashada gaar u ah (Radioiftin.com), waxay soo saartay Diiwaanka Waxbarashada Soomaaliya (Somali Education Directory) iyo barnaamijyo kale.