Saraakiil iyo askar ka tirsan dowladda oo la abaal-marinayo

0
999

QaraxiiMadaxtooyada20140221Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay abaal-marin qaran guddoonsiin doonto saraakiishii iyo askartii iska caabbiyay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay xukuumaddiisu dhaqangelin doonto abaal-marin qaran oo la siinayo ilaalada madaxtooyada ee ka hor tagay weerarkii Jimcihii ee Al-Shabaab.

Wuxuu tilmaamay in weerarkaasi ay maleeshiyadu damacsanayd in ay khasaare ku gaarsiiso aqalka madaxtooyada iyo dowladda, hase ahaatee la fashiliyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

 

Bar-kulan