Shabaab oo ku hanjabay inay xoojin doonaan weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho

0
990

AlshabaabBaraawa2Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada duqeymihii habeen ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ku hanjabtay inay sii wadi doonto weerarada.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ugu qaabilsan Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in weeraradaas ay tusaale u aheyd awood darada heysata dowladda Soomaaliya.

“Duqeymahan iyo weerarada waa sida ay u bilowdeen, waana sii wadi doonaa, cadawga waxaa uu ku jiraa xilligii dhamaadka waana soo afjari doonaa”ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay suura gal u noqon doonin inay aadaan gobolada kale, isla markaana ay ku qasbi doonaan in inta yar ee dhiman in Muqdisho ka saaraan sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay shacabka inay xoolahooda ku bixiyaan jihaadka, bedelkii laga boobi lahaa hantidooda, waxaana uu xusay si la mid ah sanadihii 2007-2008 oo kale ay u garab istaagaan mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay.

Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay qaraxyo iyo madaafiic, iyadoo hey’adaha ammaanka dowladda oo shirar gaar gaar ah yeeshay ay ku hanjabeen inay tallaabo ka qaadayaan cid kasta oo ku lug yeelata falalka amni daro.

Jowhar