Wararka saaka laga helayo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saaka Shidaal la’aan ay ka jirto Garoonka oo saameyn xoog leh ay ku yeelatay diyaaradihii duulimaadka ee ka dhoofi jiray Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah diyaaradihii u safri jiray Gobollada dalka ayaa saaka la sheegay in ay fadhiso Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho sababo la sheegay in shidaal la’aan ay ka jirto Garoonka inkastoo ay jiraan Booyado shidaal oo ku sugan Gudaha Garoonka oo loogu tala galay diyaaradaha UN-ka isticmaalaan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dhaaminta shidaalka diyaaradaha la siiyay Shirkad lagu Magacaabo Sabrin taas oo aan saaka wax shidaal ah geyn Garoonka.
Lama Oga sababta shidaal la’aanta ka jirta Garoonka diyaaradaha keentay balse waxaa Xusid mudan in uu jiray tar tartan ku aadan cidda shidaal ka ka dhaamineysa Garoonka diyaaradaha walow markii dambe la siiyay Shirkadda Sabrin ee iyadu saaka ku guul dareysatay in shidaal ay geyso Garoonka.
Shabelle