Shirkii Baydhabo oo meel xasaasi ah maraya iyo garab sheegay maanta in musharaxiintu khudbado jeedin doonaan

0
836

baydhabo3Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi Bay waxaa ka soconayay shirwayne ballaaran oo muddooyinkii u danbeeyay uu ka taagnaa Khilaaf baahsan oo soo kala dhex galay siyaasiyiin iyagu isku haya awooda deeganada Maamulka loo samaynayo taasoo keentay in gabi ahaanba uu hakad gali shirkaasi walow markii danbe laga gudbay.

Malaaq Cali Shiino oo kamid ah waxgaradka gobolada Bay iyo Bakool oo isagoo Baydhabo ku sugan la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Maanta inay jeedin doonaan Hadaladooda ku aadan doorashada qaar kamid ah Musharaxiinta xilka Madaxwaynaha Maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wuxuu dhinaca kale beeniyay Malaaq Shiine inay jiraan Shirar kale oo iska soo horjeeda kuwaasoo magaalada ka soconaya isagoo xusay dhawaan in lasoo afmeeri doono shirka.

Baydhabo ayaa waxaa ay kamid tahay gobolada sida wayn uga socdeen maamul goboleedyada Muddooyinkii u danbeeyay waxaana wali cadayn mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan Maamul goboleedkaasi.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sheegay dowladdu inay samaynayo Maamulo KMG ah inta dadku helayaan Maamulo ay u dhanyihiin.

Warkii