Siyaasiga C/llaahi Axmed Caddow oo dhowr jeer isku soo taagay xilka Madaxweynaha, horayna wasiir uga soo noqday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa wax aan la qaadan kari ku tilmaamay weerarkii jimcihii lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Mr Caddow ayaa is weydiiyay sida ay ku dhacday in loo dayaco ammaanka Madaxtooyada oo ah saldhigii qaranka iyo sababta dareyska ciidamada dowladda loogu soo weeraray, ayna u ogaan waayeen hey’adaha ammaanka.
“Maxaa keenay in tuutihii ciidamada lagu soo weeraro Madaxtooyada, maxaa sababay in dayacaaad intaa uu dhaco, miyaysan jirin war-doon, teeda kale hey’adaha amniga maxay qabanayeen, waa wax aan la qaadan karin waa meeshii ugu dambeysay ee saldhiga qaranka ahaa”ayuu yiri Siyaasiga C/llaahi Axmed Caddow.
Siyaasiga ayaa ugu baaqay hey’adaha ammaanka dowladda inay booska baneeyaan oo ay is casilaan, waxaana wax aad looga xumaado ku tilmaamay qaabkii ay ku dhacday aaskii loo sameeyay mas’uuliyiintii ku dhintay oo uu sheegay in qaab qabiil loo aasay.
“Hey’adaha ammaanka mas’uuliyada iyagee ku fooraartaa ee ha is casileen ee kursiga ha baneeyeen”ayuu yiri C/llaahi Axmed Caddow.
Dhinaca Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaas laga gol lahaa in lagu dilo Madaxweynaha, isla markaana uu ahaa shirqool la maleegay oo ay ku lug lahaayeen saraakiil sida uu yiri.
Tan iyo markii la weeraray jimcihii la soo dhaafay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa isa soo tarayay dhaliilaha loo jeedinayay mas’uuliyiinta dowladda iyo hadal heynta ku saabsaneyd weerarkaas, waxaana siyaasiyiinta ay eedeynta ugu badan saarayeen hey’adaha ammaanka dowladda.
Jowhar