Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in ay xaqiijinayaan Nabad Gelyada dalka

0
1021

GeneralSaacid20130626Taliyaha Ciidanka Booliska Sooamaliyeed Jeneraal Cabdi Xakiin Daahir Saacid ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay laba jibaari doonaan Howl gallada lagu baacsanayo dadka dambiilayaasha ah.

Mr Saacid ayaa tilmaamay in ammaanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay si weyn u adkeyn doonaan islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan Ammaanka Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ay ka go’antahay sidii looga dhigi lahaa Ammaanka guud ahaan dalka mid la isku halleyn karo.

Indhawaanahaan ayaa waxaa Ciidanka Buliiska Soomaaliyeed ay wadeen Howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Shabelle