Taliska ciidanka Soomaaliya oo beeniyay eedeymaha weecinta hubka

0
848

GeneralIndhoQarsheTaliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa beeniyay eedeymo la xiriiray hub ay leeyihiin ciidamada dowladda oo lagu wareejiyay maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Daahir Aadan Cilmi oo saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay inay wax kama jiraan yihiin wararka sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab la siiyay hub ay lahaayeen ciidamada dowladda.

Gen. Daahir ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu ka dhexeeyo dagaal, isaga oo sheegay in suurtagal aanay ahayn in cadowga dowladda ay siiyaan hubkii lagula dagaallamayay.

Wuxuu intaas raaciyay inay arrinta ka dambeeyaan dad uu sheegay in ay taageeraan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo doonaya ‘in aan la hubayn ciidamada dowladda’, si kooxda ay u qabsato Soomaaliya.

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dagabalka hubka Soomaaliya ayaa dhowaan ka digtay inay sii kordhayaan qorshaha nidaamsan ee lagu weecinayo hubka magaca dowladda Soomaaliya ku soo gala dalka.

Bar-kulan