Taliyihii Ciidamada Milateriga Gobolka Hiiraan oo lagu xiray Muqdisho

0
979

Beledweyne20131119Taliyihii Ciidamada Milateriga ee Gobolka Hiiraan Col. Tawane Axmed Gurey ayaa ku xiran magaalada Muqdisho, iyadoo Taliyahan muddo todobaad ka hor uu soo gaaray Muqdisho, kadib markii ay u yeertay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka loo xiray, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu u xiran yahay dil sanadkii hore magaalada Beledweyn loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga oo lagu magacaabi jiray Xaashi Xuseen Diiriye oo ciidamo ka tirsan dowladda ay qaarijiyeen markii ay gurigiisa ku weerareen.

Dilkan oo ay Wasaarada Gaashaandhiga u saartay Gudi, isla markaana uu ka dhashay rabshado ayaa la sheegayaa in warbixin horu dhac ah oo ka soo baxday gudigaas ay muujineysay in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug yeesheen dilka sarkaalkaas.

Inkastoo aanay jirin ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada Gaashaandhiga oo ku aadan xariga Taliyahan ayaa hadana waxay muujineysaa raadka iyo saameynta uu ku yeeshay dilkii Sarkaalkii ciidamada ee lagu dilay magaalada Beledweyn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalka lagu dilay Beledweyn Xaashi Diiriye Xuseen loo waday xil sare, isla markaana dilkiisa ay salka ku heyso arrimo la xiriira dhanka xilka, sida ilo wareedyo ay xaqiijiyeen.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya C/kariin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa labada balan qaaday in la soo qaban doono cidii ka dambeysay dilka sarkaalkaas, isla markaana la horgeyn doono Maxkamad.

Jowhar