Wasiirka Amniga oo sheegay in wada shaqeyn la’aan ay ka dhex jirto Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya

0
945

CabdikarimGuleed20131222Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo Shalay ka hadlayay kulan ammaanka looga hadlayay ayaa sheegay in ay jirto wada shaqeyn la’aan ka dhex jirto Hay’adaha Ammaanka dowladda.

Mudane Guuleed ayaa sheegay in wada shaqeyn la’aanta Hay’adaha Amniga ka dhex jirta ay sabab u tahay habacsanaanta xagga Amniga ee dalka ka jirta.

“ waa in idinka Hay’adaha Amniga ah aad iska kaashataan xaqiijinta Nabad Gelyada , shacabkana aad iskaashi la sameysaan waad gaareysaan In aad Amni ku soo dabaashaan guud ahaan dalka” ayuu yirka Wasiirka Amniga.

Hadalka Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dhibaatooyin xagga Amniga ah ay ka jiraan qeybo badan oo dalka ah gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shabelle