Wasiirka amniga Qaranka ayaa kulan looga hadlayay qaabka la iskaga kaashankaro amniga dalka la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.
Kulanka uu wasiirka Amniga Qaranka la qaatay ganacsatada ayaa looga hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka suuqa weyn ee Bakaaraha iyo sidii ganacsatadu ay gacan uga geysan lahaayeen sugidda ammaanka.
Qaar ka mid ah ganacsatadii kulankaasi ka qeybgashay ayaa Radio Muqdisho u sheegtay iney isku afgarteen wasaaradda amniga sidii ay wax uga qaban laheynd ammaanka, iyagoo balan qaadeen in ay gacan weyn ka geysandoonaan arrinaasi.
Wasiirka amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo kulanka kadib la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatada ay isku afgarteen iney kaalin wax ku ool ah ka qaataan adkeynta mmaanka, isagoo tilmaamay in kulanka ay ka soo qeybgaleeen qeybaha kala duwan ee ganacsatada.
Dhanka kale wasiirka ayaa daboolka ka qaaday inuu sii wadi doono kulamada noocan oo kale ah oo ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada si ay uga qaataan talooyin la xiriira ammaanka iyo sidii wasaaraddu u xallin laheyd dhibaatooyinka heysta bulshada.
Wasiirka amniga Qaranka ayaa maalmahan waday kulamo uu la lahaa qeybaha bulshada kuwaas oo looga arrinsanayay sidii qeyb kasta oo bulshada ka mid ah ay gacan uga qeysan laheyd ammaanka.
Radio Muqdisho