Wasiirka Beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dalka waxa uu la qaatay aqoonyahno ku xeeldheer wax soo saarka Beeraha.
Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta wax soo saarka beeraha, waxaana intii uu socdsay kulanka la isku weydaarsaday afkaar iyo fikrado ku qotoma dhiirigelinta beeraleyda si loo soo nooleeyo wax soo saarka beeraha dalka.
“Xiiligii beerihu soo go’ayeen ayaa waxaa imaanaysa mucaawano aad u badan taasina waxey keentay inu hoos u dhaco qiimaha dalagga ka soo go’a beeraha dalkeenna, oo waxaa ka qiimo jaban kan mucaawinada, taasina waxey keentay iney beeraleydu iska daayaan wax soo saarki beeralaha” ayeey tiri Xaliimo Yereey oo ka mid ah madaxda ururada bulshada rayidka ah.
Wasiirka Beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Axmed Maxamed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wasaaraddu u dardar gelindoonto howlaha horyaala wasaaradda iyadoo kaashaneysa aqoonyahannada beeraha.
Radio Muqdisho