Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Burci Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Abdalla Idris oo ah Madaxa Ergada Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha gargaarka aadanimo ee ay fuliyaan hey’adaha samafalka carabta, kaalinta Wadamada Jaamacada carabta ee dib u dhiska dalka, dabagalidda iyo fulinta balanqaadyada maaliyadeed iyo mashaariic ee ay horey ugu dhawaaqeen dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta in lagu taageero dowladda Soomaaliya.
Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ahna Ergeyga Soomaaliya uga wakiilka ah Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Abdullahi Hassan Mohamud, ayaa waxaa diiradda lagu saaray, dhiiri-gelinta wadamada Carabta inay dib uga furtaan Safaaradahooda Caasimadda Muqdisho, kana qeyb qaataan howlaha dib u dhiska iyo maalgeshiga dalka, si loo fuliyo barnaamij horumarineed oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka.
Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Dowladda hoose ee Muqdisho ay hore ugu qorsheeyeen deegaan ka tirsan degmada Abdiaziz ee gobolka Banaadir inay noqoto dhul ay saldhigtaan inta badan Safaaradaha ka howlgala Caasimadda, halkaasoo loogu magac daray Xaafadda diblomaasiyadda (Diplomatic Quarter).