Weeraro kala duwan oo xalay ka dhacay Gobollada Bay iyo Sh/hoose

0
909

weerar20140224Sida dad deegaanka ah ay inoo Xaqiijiyeen Weeraro Madaafiic ah ayaa xalay lagu qaaday Fariisimo Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ah ayaa sheegay in xalay ay Maqlayeen daryanka Madaafiicda Cul Culus kuwaas oo ku dhacayay Saldhig Ciidanka AMISOM ay ka degen yihiin Deegaanka Balidoogele.

Dhanka kale Iska Hor’imaadka Khasaaro Geystay ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Kooxo Hubeysan ayaa waxa ay weerareen Fariisimo Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaankaasi Siinka dheer kaasi oo Muddo Saacado ah socday inkastoo uu jiro khasaaro hadana lama cayimin.

Dhanka kale Kooxo Hubeysan ayaa xalay weerar Bam gacmeed ah waxa ay ku weerareen Ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan oo ku sugan Deegaanka Ceekasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ku soo warramaya in xalay weerar bambaano lagu qaaday Mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Baydhabo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi bambaano hayeeshee Saraakiisha Amniga Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa sii xoojiyay weeraradooda tan iyo markii ay ku dhawaaqday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qaadeyso Howl gal ka dhan ah Ururkaasi.

Shabelle