Wiilka Soomaaliyeed ee jilay filimkii burcad badeedka oo ku guuleystay Abaal marinta BAFTA

0
1197

Wiilka Soomaaliyeed ee jilay Filimka ku saabsanaa burcad badeedka Barkhad Abdi ayaa ku guuleystay abaal marinta BAFTA ee kaaliyaha jilaafii ugu fiicnaa sanadka ee Filimka caan baxay ee Captain Philips, kadib xaflad xalay ka dhacday magaalada London.

Abaal marinta BAFTA ayaa laga bixiyaa dalka Britain sanad walba, iyadoo la siiyo aktarada iyo film soo saarayaasha Aflaamta aduunka, waxaana xafladaas ka qeyb galay dad magac ku leh Aduunka oo u badan jilayaasha caanka ka ah Hollywood.

Barkhad Abdi ayaa ka guuleystay aktarada kala ah Michael Fassbender iyo Matt Damon, gaar ahaan doorka caawiyaha Aktarka, waxaana uu u mahad celiyay Tom Hanks oo ahaa aktarka Filmka Captain Philips.

Mr Barkhad ayaa u mahad celiyay intii ka qeyb qaadatay jilistiisa filmka, gaar ahaan Tom Hanks, Bafra, Paul Greengrass oo ahaa doorkii uu ka qaaday Filimka Captain Philips, waxaana uu si gaar ah ugu mahad celiyay hooyadiis.

Markii uu fuulayay masraxa abaal marinta ayaa si aad ah loogu sacbiyay, waxaana wajigiisa ka muuqatay farxad weyn intii uu gudoomayay abaal marinta BAFTA.

Sidoo kale Barkhad Abdi ayaa ku jira liiska tartamayaasha abaal marinta ugu weyn Aduunka ee Oscar ee Filimada Hollywood oo la qabanayo bisha March ee soo socota, waxaana la saadaalinayaa inuu guul weyn ka keeni doono abaal marintaas.

Waxaa uu noqonayaa Soomaaligii u horeeyay ee ku guuleystay Abaal marinta BAFTA oo ka mid ah kuwa caalamiga ee la siiyo aktarada aduunka.

Barkhad wuxuu ahaa atooraha labaad ee filim-ka Captain Phillips oo uu jilayay jilaaga caanka ah ee Maraykanka Tom Hanks.

Jowhar

CaptainPhilipMovieBarkhadAbdi20140217_3 CaptainPhilipMovieBarkhadAbdi20140217_1 CaptainPhilipMovieBarkhadAbdi20140217_2