Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Oo Tehran Lagu Soo Dhaweeyey

0
871

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Tehran ee caasimadda wadanka Iiraan halkaasi oo si rasmi ah dhowaan uga bilaaban doono shirweynaha 9aad ee Midowga Baarlamaannada dalalka Islaamka OIC.

Wafdiga XIldhibaannada ah waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Tehran kusoo dhaweeyey Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Tehran, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkan Iiraan iyo xubno ka socda gudiga qabanqaabada shirweynahan ee IOC ayadoo XIldhibaannadana la dajiyey Hotelka Persian Azadi Hotel oo ah halka uu ka dhacayo shirka.

Shirka waxa uu furmi doonaa 18ka-bishan ayadoo gebagebadiisana loo qorsheeyey 19ka-bisha waxaana waxyaabaha ay gudoonka Baarlamaannada dalka Islaamka ka hadlayaan sii diyaarin doona xubno ka socda guddiyada Baarlamaannada dalalka OIC oo ay Soomaaliya xubno uga jiraan, waxyaabaha laga hadlayana waxaa si gaar ah usoo diyaarin doona gudiyada siyaasadda, haweenka,xuquuqul insaanka, dhaqaallaha iyo arrimaha bulshada ee dalalka OIC.

Mudooyinkii ugu dambeeyey Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu intabadan ku guuleystay inuu soo ceshto xubinnimadiisa ururro ay ku mideysan yihiin dalalka badan oo caalamka ah waxaana ka mid ah Midowga Baarlamaannada Caalamka IPU.

ParliamentariansInTehran20140215_5

ParliamentariansInTehran20140215_2 ParliamentariansInTehran20140215_1 SomaliFlagAndOthers ParliamentariansInTehran20140215_4