Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo ku aadan sidii bulshada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa adeeggii Internetka ee laga isticmaali jiray teleefoonnada gacanta oo ay horay u jareen maleeshiyaadka Shabaab.
Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo wareeysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dowladda ay mas’uuliyad ka saarantahay ilaalinta xuquuqda iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteedna aysan u dhaqmi Karin sida argagixisada Shabaab oo kale.
“Waxaan shacabka u xaqiijineynaa in dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay shacabku u helilahaayeen adeegyada Intarnetka mana rabo intaas wax sii dhaafsiisan inaan idaacadda ka sheego’’ ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Qaranka Eng. Yariisoow.
Eng. Yariisoow ayaa fal argagixiso ku tilmaamay handadaadda ay shabaabku ku hayaan ganacsatada, wuxuuna intaasi ku daray in argagixisada lagu yaqaano cunaqabateynta shacabka.
Radio Muqdisho