Afhayeen Cusub Oo Loo Magacaabay G/Banaadir

0
1030

Muungaab20140304_1Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa soo saaray wareegto xilkii looga qaadayo Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan.

Wareegtada xilka looga qaaday afhayeenkii hore ee Gobalka Banaadir ayaa soo baxday maanta oo Isniin ah, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdi Baasid Maxamed C/raxmaan oo noqonaya afhayeenka cusub ee Gobalka Banaadir.

Afhayenkii hore ee Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo ka hadlay xilka qaadista maanta lagu sameeyay ayaa soo dhaweeyay, isaga oo si wanaagsan xilka ugu wareejiyay afhayeenka cusub.

Mudane Cabdi Baasid Maxamed C/raxmaan afhayeenka Gobalka Banaadir, ayaa umahadceliyay afhayeenkii hore shaqooyinkii wanaagsanaa ee uu soo qabtay.

Arintani ayaa qeyb ka ah isbedelada Maamulka Gobalka Banaadir lagu sameeyay, iyadoo dhawaan ay aheyd markii Guddoomiye kuxigeenadii Gobalka Banaadir xilka lagawada qaaday.

Shabelle