Taliska ciidamada AMISOM ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay u socdaan howlgallada maleeshiyaad argagixisada ah ee al shabaab looga sifeenayo qeybo ka mid ah goballada dalka, iyadoo talisku uu sheegay in howlgalladaasi qaarkood lagu guuleesytay.
Col. Cali Aadan Xumad Afayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo la hadlayay waraabahinta ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ay ciidamadu ka wadaan qaar ka mid ah gobollada dalka, isagoo tilmaamay in howlgalladaasi ay sii socondoonaan tan iyo inta dalka laga dhigayo meel ka caaggan argagixisada Shabaab.
Afhayeenka ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwa isdaba jooga ah oo dalka oo dhan ciidamada qalabka sida oo gacan kaherlaya kuwa AMISOM ay ugu saarayaan maleeshiyaadka Al shabaab iyo kuwa ajaaniibta ah ee iyagu iska leh fikradaha gurracsn ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka ciidamada AMISOM oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in dagmooyinka dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada ay ka jiraan dhibaatooyin xagga nolosha ah oo heysata dadka kudhaqan dagmooyin ay ka mid yihiin dagmada Xudur iyo degaanno kale kuwaasi oo dadka ku dhaqan ay dhibaato ku hayeen maleshiyada Al shabaab .
Hadalka kasoo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa imanya iyadoo howlgallo balaaran oo ay sameeynayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay ka socanayaan gobollo badan oo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dalka looga ciribtirayo maleeshiyada al shabaab iyo ajaniibta ka barbar dagaalanta maleeshiyaadkaasi waxa ayna ciidamada gacanta ku dhigeen deegaanno iyo dagmooyin ka tirsan gobollada konfurta iyo bartamaha dalka.