Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ayaa baaq guud u diray shacabka Soomaaliyeed, kadib markii fariin cod ah oo soconeysay ilaa 20-daqiiqo uu soo diray, kaasoo uu kaga hadlayay xaaladaha dalka, gaar ahaan duulaanka Ciidamada Itoobiya.
Cali Dheere ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dagaalada ka dhanka ah Ciidamada Itoobiya oo ku soo duulay sida uu yiri wilaayaata Islaamiga ah ee ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
“Cadawgii soo jireenka ahaa ee Itoobiya wuxuu soo qaatay duulaan qaawan, isagoo gishan shaarka AMISOM”ayuu yiri Cali Dheere oo ku guubaabiyay shacabka Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan duulaankaas.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray sanadihii 1964 iyo 1977 inuu ahaa mid laga wada qeyb qaatay, waxaana uu ka digay damaca fog ee Itoobiya ka leeyihiin Soomaaliya sida uu yiri.
“Umadda Soomaaliyeed waa in ay baraarugaan meel walba oo ay joogaan dal iyo dibadda cadawga soo jireenka Itoobiya maanta garab ayuu ka helayaa gaalada caalamiga ah waa in aad dalkiina ka difaacdaan cadawgan hororka ah”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa baaq u diray qabaa’ilka Soomaaliyeed, waxaana uu ka codsaday inay adkeeyaan kaalinta ay ka geysanayaan difaaca dalka, kana soo horjeestaan qorshayaasha cusub ee loo maleegayo Soomaaliya.
“Waxaan sii wadeynaa dagaalka aan kula jirno kuwa nagu soo duulay, waana sii wadi doonaa inta ay naftu nagu dambeyso”ayuu yiri Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab.
Ciidamada Itoobiya oo ka mid noqday howl galka AMISOM ayaa shalay la wareegay degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool, iyadoo ciidamo badan soo geliyay Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, si ay Al-Shabaab duulaan ugu qaadaan deegaanada ay ka taliyaan.
Jowhar