Ahlu Sunna oo soo dhoweysay khafiifinta cunnaqabateynta hubka

0
756

AhlusunaMaamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aankii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku kordhiyay muddada khafiifinta cunnaqabataynta hubka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu Sunna, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo u warramaya Bar-kulan ayaa sheegay in uu qaraarka u suuragelinayo dowladda Soomaaliya inay la timaado hub ku filan, si ay u hanato awoodda dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dowladda looga baahan yahay inay ka taxaddarto mas’uuliyadda isticmaalka hubkaas.

Wuxuu xusay in maamulkoodu uu kaalin ka qaadanayo howlgallada dalka looga sifaynayo Al-Shabaab.

Bar-kulan