Al-Shabaab oo dishay saddex nin oo ay basaasnimo ku eedeysay

0
1009

AlshabaabBaraawa1Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dishay saddex nin oo ay ku eedeysay inay u basaasayeen hay’adaha sirdoonka dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa bog ay ku leedahay Facebook ku shaacisay toogashada.

Waxay sheegtay in mid ka mid ah nimanka, Maxamed Cabdulle Geelle oo 29-jir ahaa uu hagayay duqayn October-tii la soo dhaafay Mareykanka ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Anta-Anta.

Al-Shabaab waxay sheegtay in ninka kale, Axmed Cabdullaahi Faroole oo 47-jir ahaa uu jaajuus u ahaa maamulka Puntland.

Ninka saddexaad, oo aysan kooxda shaacin magaciisa, waxay ku eedeysay inuu u basaasayay dowladda Soomaaliya.

Warka qoraalka ayay Al-Shabaab ku sheegtay in saddexda nin lagu dilay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay goob fagaare oo ay dad badan isugu yimaadaan.

Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay kordhisay weerarrada ay ka geysaneyso Soomaaliya kaddib markii laga saaray magaalooyin waa-weyn oo ku yaalla Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2011 iyo 2012.

Khamiistii la soo dhaafay, kooxda ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax bambo oo ka dhacay Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen 11 qof.

Toddobaadkii ka horreeyay, Al-Shabaab ayaa weerartay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana weerarkaas ku dhintay 17 qof, in kastoo madaxweynaha uusan waxba ku noqon.

bar-kulan