Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta kala wareegay kooxda Al-Shabaab gacan ku haynta magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Cabdiqaadir Maxamed Siidii.
Al-Shabaab ayaa ka talineysay magaalada Qoryooley toddobadii sano ee la so dhaafay.
Cabdiqaadir Siidii ayaa sheegay inaanay jirin wax khasaare ah oo ciidanka ka soo gaaray howlgalka ay ku qabsadeen Qoryooley, isagoo intaas raaciyay inay jiraan ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku hareereysan deegaanka Buulo-mareer oo hoos-taga degmada Kurtunwaarrey ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada waxay sheegeen inuu maanta gobolka Shabeellaha Hoose si rasmi ah uga billowday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu soo warramayo inay isaga baxday deegaannada ay ciidanka dowladda ku wajahan yihiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ka billowday bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya howlgal milateri oo la doonayo in dalka looga sifeeyo kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Nofeembar-tii hore wacad ku maray in sanadka 2014 la ciribtiri doono kooxda Al-Shabaaab.
Bar-kulan