Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ayaa Isniintii shalay ka qabsaday kooxda Al-Shabaab gacan ku haynta magaalada Maxaas oo 105 km dhinaca bari kaga beegan degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa u sheegay Bar-kulan.
Maxamed Saney oo ah taliyaha hoggaaminaya ciidanka dowladda ee qabsaday Maxaas ayaa u sheegay Bar-kulan inay si nabad ku qabsadeen magaalada kaddib markii maleeshiyadii Al-Shabaab ee ku sugnayd magaalada ay carartay.
Taliyaha wuxuu sheegay inay haatan magaalada xasilloon tahay oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.
Saney ayaa intaas raaciyay inay sii wadi doonaan howlgalka milateri ee la doonayo in kooxda Al-Shabaab looga sifeeyo qeybaha kooban ee ay ka joogto gobolka Hiiraan.
Maxaas waa magaaladii sagaal ee laga qabsaday Al-Shabaab tan iyo markii horraantii bishan uu billowday howlgalka milateri ee ay sida wadajirka ah u wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM. Magaalooyinka muhiimka ah ee Al-Shabaab looga qabsaday howlgalka socda waxaa ka mid ah Buulo-burte, Xuddur iyo Qoryooley oo ku kala yaalla gobollada Hiiraan, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Bar-kulan