Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku tilmaamay Maamul goboleedka looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee lixda Gobol ahaa inuu yahay mid Riyo ku dhisan.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in mowqifka beesha caalamka ka qabto maamulkaas uu isna k qabo, isagoo xusay in maamulkiisa yahay mid sharci ah oo la aqoonsan yahay, isla markaana sameynta maamulkaas ee lixda gobol inuu yahay arrin Riyo ah oo aan suura galeyn.
“Maamulkaas lixda gobol waa mid riyo ah oo aan suura galeyn, sida lagu taliyay inay isu raacaan ayaa fiican ee saddexda gobol ah, qaabka dhismaha maamul goboleedka waa sida juquraafi ahaan ee mahan qabiil in la isku raaco beel iyo deegaan kuma saleysna”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay marka hore in maamulkiisa uu ka caawiyo dhismaha saddexda gobol ee Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.
Mar uu ka hadlay dib u dhicii ku yimid wareejinta Dekeda iyo Air Por-ka Kismaayo ee ka mid ahaa qodobadii heshiiskii Addis Ababa ayaa waxaa sheegay in marka hore ay ka horeeyaan in la fuliyo qodobo badan.
“Waxaa dhiman in la dhameystiro qodobo badan oo farsamo ahaan ku xiran, qaarkood dastuuri ah, waxbaa ka horeeya, in wax badan wali la dhameystirinn ayaa muuqata oo ku xusan sida loo qeyb sanayo iyo dhameystirka sismtemka federaalka, wax macno weyn leh ma ahan, Dekeda iyo Air Por-ka kama duwan kuwa kale, mushkilad ma lahan arrintaas”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ee lagu doortay Baydhabo ayaa waxaa ka kooban lix gobol oo saddex gobol uu ka tirsan yahay Maamulka KMG ee Jubooyinka, iyadoo dowladda Soomaaliya horay uga soo horjeesatay maamulka lixda gobol, maadaama uu ka hor imaanayo heshiiskii Addis Ababa.
Jowhar