Boqolaal ruux oo badankood ay ahaayeen ganacsato ayaa maanta banaanbax loogaga soo horjeedo maamulka gobolka Sh/dhexe waxa ay ka dhigeen degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
Dadkan banaanbaxayay oo u badnaa ganacsatada suuqa ugu weyn magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ka cabanayeen fal dhac ah oo gelinkii dambe ee shalay loo geystay mid kamid ah sariflayaasha suuqa magaalada Jowhar.
Falkan dhaca ah ayaa waxaa ka dambeeyay qaar kamid ah ciidamada dowlada ee ka howlgala magaalada Jowhar iyagoo ka qaatay lacag gaareysa toban malyan oo shillinka Soomaaliga ah.
Dadkan banaanbaxayay ayaa waxaa ay gaareen xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe iyagoo ku qeylinayay ereyo loogaga soo horjeedo maamulka degmada Jowhar.
Maamulka degmada Jowhar ayaa ugu baaqay shacabka degmada in ay is dejiyaan waxana uu guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji Cabdulle uu sheegay in maamulka degmada Jowhar uusan raalli ka ahayn falkan dhaca isla markaana lala xisaabtamayo ciidamadii falka ka geystay degmada Jowhar.
“Dadku ha is dejiyaan maamulkana waxa uu diyaar u yahay in uu bixiyo lacagtii la dhacay, mana ahayn ciidamadii falka ka dambeeyay qaar ka howlgala magaalada Jowhar balse waxa ay ahaayeen ciidamo ka tirsan degmada Mahaday.”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar.
Waxaa xiran ganacsigii magaalada iyadoo ganacsataduna ay ku xireen shuruud in ay furaan ganacsigooda. waxaana shuruudahaa ka mid ah in maamulka degmada Jowhar uu ka bixiyo sharaxaad cad sababta keentay in maalin cad la dhaco suuqa magaalada Jowhar. iyo in tallaabo laga qaado ciidamadii ka dambaysay falka dhaca ah.
Waa markii ugu horeysay ee banaanbax loogaga soo horjeedo maamulka degmada Jowhar ay sameeyaan shacabka magaalada Jowhar tan iyo markii ay ciidamada dowlada la wareegeen xarunta gobolka Sh.dhexe dhamaadkii 2012kii.
Jowhar