Bandhigii wax soo saarka iyo maalgashiga Soomaaliya ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Dubai, kaasoo socday muddo labo cisho ah, iyadoo xarunta Ganacsiga caalamiga ee Dubai lagu soo bandhigay wax soo saarka kala duwan ee Soomaaliya.
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Ganacsato Soomaaliyeed iyo maalgashadayaal caalami ayaa waxaa casharo ka bixinayay qubaro caalami iyo Soomaali, qaabka la xiriira sida loo hormarin karo wax soo saarka dalka iyo jidadka loo mari karo.
Madaxa Hey’adda FAO Mr Luga ayaa sheegay in FAO ay xooga saari doonto sidii Ganacsatada Soomaaliyeed wax soo saarkooda loo horumarin lahaa, miraha ay beeraana looga iibsan tahay, intii dibada laga keeni lahaa.
Mr Luca ayaa sheegay in miraha Soomaaliya ka soo go’a lagu sameyn doono tayeyn, si loo dhiira geliyo wax soo saarka iyo maalgashiga.
“Soomaaliya waxay sib isugu taageeysa cagaheeda, Beesha Caalamkana arrintaas xil weyn ayay iska saarayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen”ayuu yiri Madaxa FAO Mr Luca.
Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Cabdi Abshir Dhoore oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu sheegay inay ganacsatada si aad ah isaga xil saareen isku xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo kan Calamka, isagoo xusay inay gacan ka siin doonaan maalgashadayaasha daneynaya inay dalka yimaadaa.
“Ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa ah midka maanta dunida ay ku kala hormartay, sidaas darteed ayaa u dhiira gelinay shirkan”ayuu yiri Cabdi Abshir Dhoore Agaasimaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhamaan wax soo saarka dalka, iyadoo maalgashadayaasha caalamiga ahaa, qubaradii iyo marti sharaftii kale waxaa soo jiitay kheyraadka ee bada iyo berriga laga intifaaco ee dalka Soomaaliya.
Mudadii uu socday bandhiggan waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta ugu sarreysa hey’adaha wax soo saarka dalka qaarkood, Ganacsato, shirkado caalami, qubaro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda sida Wasiirada Xanaanada Xoolaha Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Colow iyo Wasiirka Ganacsiga Aadan Saransoor.
Jowhar