Baydhabo: Bambaano lagu Weeraray Gurig Madoobe Nuunow

0
1177

MadoobeNuunowWararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan Weerar Bambaano ahaa ku qaadeen Hooyga Madaxweynaha Maamulka 6 Gobol ee Koonfur Galbeeda Soomaaliya, Madoobe Nuunow.

Bamka ayaa waxuu ku dhacay Afaafka hore ee Guriga iyadoona aan ilaa iyo iminka wali la shaacin Khasaaraha kala duwan ee ka dhashay Weerarka lagu qaaday Guria Madoobe Nuunow ee Magaalada Baydhabo.

Dhinaca Kale, Cabdifataax Geesey oo ka mid Xubnaha Maamulka 6 Gobol ayaa shaaca ka qaaday in Weerar ku qaadi doonaan Hotel-Bakiin islamarkaana ay kala eryi doonaan Ergada iyo Siyaasiyiinta ku jirta Hoteel-kaasi.

Ugu dambeyn, Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay Banaanbaxyo iyo Iska horimaadyo iska soo horjeedo iyadoona ay xusid mudan tahay in Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ee Sadexda Gobol loo doortay Madaxweyne Cusub.

Bar-kulan