Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa saaka deggan kaddib isku-dhac geystay dhimasho iyo dhaawac oo Arbacadii shalay ka dhacay magaalada.
Isku-dhaca ayaa u dhaxeeyay ciidanka milateriga iyo booliska dowladda federaalka Soomaaliya. Labada ciidan ayaa dagaallamay kaddib markii ay isku maandhaafeen maareynta lacag laga qaado gaadiidka soo gala magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulka dowladda iyo ciidamada gobolka ayaa u sheegay Bar-kulan inay wadaan dadaallo lagu xallinayo khilaafka soo kala dhex galay labada ciidan.
Isku dhaca ayaa waxaa ku dhimatay shan qof oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii booliska gobolka Baay, Gaashaanle Nishow Aadan, waxaana ku dhaawacantay ilaa toddobo qof oo kale.
Khasaaraha ka dhashay is-rasaaseynta ayaa ku kooban labada dhinac ee ay shaqaaqadu dhex martay.
Bar-kulan