Boqorka Wadanka Belgium oo waraaqaha nuqulka Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi

0
1081

Boqorka wadanka Belgium ayaa waraaqaha nuqulka danjirnimo ka guddoomay danjiraha Soomaaliya uu fadhiya Midowga Yurub ahna safiirka Soomaaliya ee wadanka Belgium danjire Dr Cali Saciid Faqi , boqorka ayaa danjiraha ka aqbalay waraaqaha nuqulka aqoonsiga ee danjirnimo.

Dr Cali Saciid Faqi ayaa waxaa sii diiran loogu soo dhaweeyay aqalka boqortooyada wadanka Belgium, isagoo kulan la qaatay boqorka sido kale danjiraha ayaa ka warbixiyay xaaladda uu iminka marayo Dalka Soomaaliya iyo dadaallada loogu jiro soo celinta ammaanka iyo kala danbeynta, maamul dowladnimo, danjiraha ayaa ka warbixiyay dagaalka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ay kula jirto kooxaha nabad diidka ee Al-Qaacida iyo sidee dowladaha caalamka ugu istaagi laheyd ciribtirka maleyshiyaadka argigixisada Al-Shabaab iyo Al Qaacida ee ku dhumaaleysano dhulka Soomaaliya .

Boqorka Belgium ayaa si aad ah u soo dhaweeyay magacaabista ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku soo magcaawday danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Belguim Danjire Dr Cali Saciid Faqi kuna tilmaamay talaabo horumar leh oo wax badan ka badali doonto xiriirka labada dal iyo wadashaqeynta ka dhexeysa dalalka Belgium iyo Soomaaliya .

Radio Muqdisho

AliFaqi20140303_1