Buri’ Hamza: waxaad tihiin wakiilo matalaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed

0
906

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta kula dardaarmay diblomaasiyiin da’yar ah oo ka kooban 10 ruux oo tababar diblomaasiyadeed muddo hal todobaad ah ku soo qaadan doona Magaalada Ankara ee wadanka Turkey inay muujiyaan karti iyo anshax wanaag , kana faa’ideystaan tababarka loo dirayo.

H.E. Buri’ Hamza ayaa waxa uu yiri “ waxaad tihiin wakiilo matalaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waa inaad u mahad celisaan dowladda iyo shacabka Turkey kaalintooda wacan ee ay ku garab istaageen Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed”.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sidoo kale ku booriyay diblomaasiyiintaasi da’da yar ee laga soo kala xulay Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda inay ilaaliyaan anshaxa diblomaasiyadda , waxa uuna yiri “ waxaa muhiim u ah mustaqbalkiina inaad kordhisaan aqoontiina iyo khibradiina shaqo,lana timaadaan aragti cusub oo horumarisa howlaha shaqo ee Wasaaradda”.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdullahi Dool Mohamed , ayaa waxa uu isna yiri “ waa inaad ilaalisaan qiimaha iyo sharafka diblomaasiyadda iyo Soomaalinimada , waa inaad ka fogaataan wax waliba oo diiwaankiina mugdi gelinaya”.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Uganda Ambassador Sayid Ahmed Sheikh Dahiriyo Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Yusuf Alasow Mohamud ayaa hadalo kooban oo madasha ay ka jeediyeen , waxa ay xuseen in ay ku rajo weyn yihiin in diblomaasiyiinta da’da yare e tababarka loogu dirayo dalka Turkey ay noqon doonaan iftiin cusub oo u soo bidhaamay diblomaasiyadda ,una adeega dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

BurciXamza20140321_2 BurciXamza20140321_1 BurciXamza20140321_3