Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa kaabiga ku haya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay shalay u jiheysteen, iyadoo xiisado dagaal ka jiraan qeybo ka mid ah gobolka oo ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan kuwa Ahlusuna ayaa la sheegay inay ku sii siqayaan degmada Maxaas oo ka mid ah deegaanada Shabaabka kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Sarkaal ka tirsan Maamulka Ahlusuna oo la hadlayay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in ciidankooda qeyb ka yihiin duulaankaas, oo qorshihiisa yahay in degmada looga saaro Al-Shabaab.
Ciidamada Itoobiya ayaa shalay markii ay ka dhaqaaqayeen duleedka Beledweyn waxay damiyeen isgaarsiinta deegaano hoos yimaada degmada Matabaan, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada oo aad u hubeysan ay gaareen tuulooyin ku dhow dhow Maxaas.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay la wareegee degmada Buulo Burde, waxaana hadii ay qabsadaan Maxaas ay noqoneysa degmadii labaad oo Gobolka Hiiraan ka tirsan oo Al-Shabaab lagala wareego.