Ciidamada Kenya oo dad Soomaali u badan ku qabqabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

0
1404

KenyanSoldiersInEastleighWararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Boliiska Magaalada Nairobi ay dad gaaraya 1000 qof ay ku qabteen Howlgalo ay xalay ka sameyeen Xaafado kala duwan oo ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka la qabtay ay ku jiaran dad Soomaali ah iyadoo ciidamado farabadana ay dowlada Kenya soo dhigatay Wadooyinka Muhiimka ah eek u yaala Magalada Nairobi.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Magalada Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in dadka ay Ciidamada Boliiska Magaalada Nairobi ay soo qabteen suaalo lagu waydiinayo Xarumaha Dambi barista Magaalada Nairobi ayna yihiin dad si sharci dara ah kui joogay dalka Kenya iyo waliba qaar loo haysto in ay xiriir la leyihiin Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Kibue ayaa intaasi ku daray in howlgaladda ay xalay xaafado ku yaala Magaalada Nairobi ay ka sameyeen ay uga go’nleeyihiin in ay ka hortagaan Weeraro Argagaxiso oo ka dhaca wadanka Kenya, iyadoo Baarlamaanka dalka Kenya ay uu ugu ciidamada amaanka Kenya in ay sugaan amaanka dalka Kenya oo wayihii danbe weeraro kala duwan ay ka dhacayeen qaybo ka tirsan dalka Kenya.

Maalmihii danbe dowlada Kenya ayaa xoojisay amaanka Magaalada Nairobi iyo Mombassa iyadoo dhawaan weerar ay 6 ruux ku dhinteen 20 kalana ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Kanisad ku taala Magaalo xeebeedka Mombassa ee dalka Kenya.

Shabelle